Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga doorashada Jubaland oo jawaab ka bixiyey warqaddii James Swan iyo tii DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Jubaland Xamza Cabdi Barre ayaa jawaab kulul ka bixiyey warqadihii shalay kasoo baxay dowladda federaalka ah iyo ergeyga gaarka ah ee xogahayha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Dowladda federaalka ayaa warqaddeeda ku sheegtay inay natiijo kasta oo kasoo baxda doorashada Jubaland ay tahay waxba kama jiraan, halka James Swan uu sheegay in haddii aan la sameyn is-beddelo ay beesha caalamka dalbatay ka hor doorashada, inaysan taageeri doonin natiijada doorashada.

Xamza ayaa warqadda James Swan kaga jawaabay isaga oo sheegay in beesha caalamka aysan faro-gelin karin arrimaha gudaha ee Soomaaliya, islamarkaana Soomaaliya ay tahay dal madax-banaan oo arrimaheeda ayada un xalisan karta.

“Horta Beesha Caalamka Talo ayey leedahay dadka Soomaalida ah amarna kuma laha Soomaaliya waa dowlad xor ah oo madax banaan Soomaalidana iyagaa laga rabaa iney heshiiyaan oy wada hadlaan, dadka Sooamalida ah waa iney ogaadaan doorka beesha Caalamka waxa uu yahay” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xamza Cabdi Barre.

Xamza Cabdi ayaa dhinaca kale warqadda kasoo baxday dowladda ku tilmaamay mid ka baxsan awooddeeda, isaga oo sheegay in Wasaarada arrimaha gudaha Soomaaliya aysan wax door ah ku lahayn arrimaha gudaha maamul goboleedyada, gaar ahaanna Jubaland.

“Dowladda federaalka ah wax ka quseeya haba yaraatee malaha doorashooyinka iyo habraacyada dowlad goboleedyada habkey isku dooranayaan, Dastuurka Qaranka ayaana siinaya oo ay isticmaalayaan ilaa la is waafajinayo Dastuurka Qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Doorashada madaxweynaha Jubaland ayaa la qorsheeyey inay dhacdo 22-ka bishan, waxaana muuqata in dadaallo badan oo dhinacyo kala duwan ah oo ay sameysay dowladda federaalka si ay isku hortaagto ay shaqeyn la’yihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this