Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey ee shirweynaha Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirweynaha dib u heshiisiinta maamulka Galmudug Cabdiraxmaan Cabdullaahi (Baadiyow) ayaa shaaciyey in ay si aad ah u diyaar garoobeen, islamarkaana uu si rasmi ah beri shirka uga furmayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Baadiyow ayaa kormeeray xarunta loogu tala galay inuu ka dhaco shirka iyo goobaha loo diyaariyey inay degaan ergada.

Waxa kale oo uu tilmaamay in la soo gabagebeeyay diyaar garowga shirka, ayna diyaar u yihiin waxyaabaha aasa asiga ah ee shirka.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay hayaan liiska ergada ka qeyb galeysa shirweynahaasi, ayna rajeynayaan inay soo soo gaaraan magaalada Dhuusamareeb.

Hadalkan ayaa ku soo adaya, iyadoo waxgaradka iyo odaaysha ka qeyb galaya shir beelaha Habargidir uga socda gudaha magaalada Hobyo ee gobolka Mudug ay ku baaqeen in dib loo dhigo shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug oo beri ka furmaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this