Sign in to follow this  
Deeq A.

21 sarkaal oo Al-Shabaab ah oo goob qura lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) –  Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay duqeymo xoogan ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolkaasi oo hoostaga maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Duqeymaha ayaa waxaa Mareykanka gacan ka siiyey ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab.

Sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo deegaanka ah duqeynta koowaad ayaa ka dhacday saldhig Al-Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Mubaarak ee gobolkaasi.

Saraakiil ka tirsan kuwa Xooga dalka oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in duqeyntaasi lagu dilay 21 sarkaal oo isugu jira Soomaali iyo ajaaniib, kana tirsanaa Al-Shabaab.

Sidoo kale saraakiishan ayaa tilmaamay in duqeynta 2-aad ay ka dhacday deegaanka Janaale ee isla gobolka Shabeelaha Hoose, islamarkaana lala beegsaday xarumo Al-Shabaab ay ku leeyihiin deegaankaasi, inkastoo aysan shaacin khasaaraha ka dhashay halkaasi.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay Xooggaga Al-Shabaab oo ku aadan duqeymahaasi.

Weeraradan dhanka cirka ah ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii la soo dhaafay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay sare u qaadeen howlgallada ka socda gobolka Shabeelaha Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this