Sign in to follow this  
Deeq A.

Xuutiyiinta Oo Weerar Ku Qaaday 3 Garoon Diyaaradeed Oo Ku Yaalla Dalka Sucuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Riyadh)-Ciidammada Cirka ee Dawladda Boqortooyada Sucuudiga ayaa Hawada ku burburiyey Diyaarado Drones ah oo Gantaal ahaan ay Xuutiyiintu ula beegsanayeen garoomo diyaaradeed oo ku yaalla Dalka Sucuudiga.

WEB-wo06-ymen-drones-1024x576.jpg

Diyaarado Drones ah oo aan Magacyadooda la sheegin ayaa la burburiyey ka hor intii aanay soo gaadhin Yoolkooda, sida uu sheegay Colonel Turki Al Malki oo ah Afhayeenka Xulafada uu Sucuudigu hoggaamiyo ee dagaallada ka wada dalka Yemen, iyagoo taageeraya Dawladda Yemen ee Adduunku aqoonsan yahay, isla-markaana uu Madaxweynaha ka yahay Abdrabu Mansur Hadi.

“Kooxda Mitidiinta ah ee Xuutiyiintu mar walba waxay isticmaalayaan Farsamooyinka Argagixisada..” ayuu yidhi, Colonel Turki Al Malki, sida ay baahisay Wakaaladda Wararka ee Sucuudiga, waxaanu intaa ku daray in Weerarrada Xuutiyiintu la beegsanayaan Meelaha Dadka Shacabka ahi ku sugan yihiin ay yihiin dambiyo Dagaal.

Colonel Turki Al Malki ma sheegin Goobaha diyaaradaha Drones-ka ah ee Hawada lagu burburiyey ay beegsanayeen, balse Telefiishanka Kooxda Xuutiyiinta ayaa sheegay in Bar-tilmaameedka Diyaaradaha Drones-ku ahaayeen Madaarrada kala ah Abha, Najran iyo King Khaled airbase oo dhammaantood ku yaalla Koonfurta boqortooyada Sucuudiga oo u dhow xuduudka Yemen.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this