Sign in to follow this  
money

Translating Somali into Somali

Recommended Posts

money   

The chorus of Hassan Aden Samatar's first song Haboon:

 

 

Hadaad diido hadalkeeyga

habeen wacan nasiibkeeyga

halkeeygaan ku sugayaa

 

Translation *koonfur

 

Minaa diido warankeeyga

cawa raaysa bitigeeyga

rabteeydaan ku korahaa!!!

 

 

Zulfa's song: Darbi ka boodooy!

 

Kaa deeymoohaayee

darbi ka boodooy

dool dheer daluugaan

kaa deeymoohaayee!!

 

 

Translation * Waqooyi

 

Kaa daawanayaa

Gidaar ka duushooy

dul dheer dundun baan

kaa daawanayaa!!!

 

 

Another Zulfa song:

 

Wadankiis ninkii ka tagee

wehelkiis ka dheeraado

welwel ma huro

walbahar ma deeyee

 

Translation *northern

 

hoygii qudhii isaga hayaantee

reerkiisa ka sii yara fogaado

welwelna ama waali ma hudho

walbahaarna warkiiba daa!!

 

 

Zahra Mire Weheliye song: *sometimes sing by Ahmed Naji, sometimes by Zulfa

 

Allahayoow maxaa iga qabsaday

waan qarsanaayay mooyee

maxuu jiidhka qalay jaceyl

maxaan qamuunyooday

 

Translation *koonfur

 

eeboow xaa iga qabsaday

waa qarsahayay maahinee

xoow korkeey bireeya caanshaq

xaan qamoonyoonsaday!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Rageedi wallaahi, would come back for more Somali-to-Somali translation, but not in the sense of you put it as a dialect way or difference in lahjad!

 

 

In the meantime, this is an easy one, translate to Somali, not you Money, others can try translating into Somali, it is a piece of cake for you

 

 

Seehi geeloo

Sadex boqol iyo

Sagaashan habeen

Uu sid keed yahay

 

Waa sedkeeniyo

Sawraceenoo

Sinjaan ulahayn

 

Baarqab suguloo

Maraq saarkiyo

Ilaa sararaha

Dhibidii simay

Sange shaal iyo

Sitaac quruxliyo: aad baa looga danbeeyey xirashada dharkan barigii hore

Laji sudhantoo

Sindiyaal lulay

Darmaan sebiyoo

Gaasabixinoo

Sidii wiil curad

Sixin lagu habo

 

Waa sadkeeniyo

Sawraceenoo

Sinjaan ulahayn

 

Sac irmaanoo

Weyl aan socod baran

U siyaaxiyo

Gadhoodh iyo subag

Dibi suudh loo

Sarar waynoo

Seero daaqoo

Geesku samay yahay

 

Waa sedkeeniyo

Sawraceenoo

Sinjaan ulahayn

 

Orgi salawloo

Suurad bahalloo

Seenyo dhuuxeey

Sinsaaro udhigay

Sumal gooloo

Tiro suuriyo

Sabeenaha ugub

Jeeni wada sudhay

 

Waa sedkeeniyo

Sawraceenoo

Sinjaan ulahayn

 

Suuban boqor iyo

Saddex qayd iyo

Bafto sidatoo

Subeeciyad xidhan

 

Waa sedkeeniyo

Sawraceenoo

Sinjaan ulahayn

 

Barbaar seefiyo

Hooto samayliyo

Saddex geesiyo

Sita dhuugii

 

Waa sedkeeniyo

Sawraceenoo

Sinjaan ulahayn

 

Boqol sooniyo

Guurti sooftoo

Sama talisoo

Geedka lagu sugo

 

Waa sedkeeniyo

Sawraceenoo

Sinjaan ulahayn

 

Seerma waydiyo

Dadkoo saxal baxay

Dhallin saxanoo

Sacab tumataa

 

Waa sedkeeniyo

Sawraceenoo

Sinjaan ulahayn

 

Surad iyo lool

Gaari soohdoo

Gabadh lala sugo

Dhibaad iyo sii

 

Waa sedkeeniyo

Sawraceeniyo

Sinjaan ulahayn

 

Marti socotoo,

Sama faliddeed

Sumal gooliyo

Sogob loo qalo

 

Waa sedkeeniyo

Sawraceenoo

Sinjaan ulahayn

 

Sooryo xididoo

Xeedhyo saabliyo

Caanihii sulub

Habeen lagu sedo

 

Waa sedkeeniyo

Sawraceenoo

Sinjaan ulahayn

 

Baadi sooc iyo

Dhaqan suganoo

Soo jireenoo

Aan sal guurayn

 

Waa sedkeeniyo

Sawraceenoo

Sinjaan ulahayn

 

Rabaw saawiyo

Saxal cudur iyo

Aafo socotiyo

Sadho naga hay

Rabaw sigashiyo

Col saqaafiyo

Weerar siman iyo

Sumuc naga furo

Rabaw siigiyo

Abaar suruqdiyo

Soof idlaadiyo

Saban naga dhawr

Rabaw silic iyo

Saac fogaadiyo

Saba guurtiyo

Saymo naga kori.

 

 

PS: Composed by Abwaan soomaaliyeed(Ahmed Aw-geedi), oo ku faanaya dhaqanka Soomaalida sida uu uga duwanyahay dhaqamada kale ee dunida ka jira

Share this post


Link to post
Share on other sites

Allahayoow maxaa iga qabsaday

waan qarsanaayay mooyee

maxuu jiidhka qalay jaceyl

maxaan qamuunyooday

 

Translation *koonfur

 

eeboow xaa iga qabsaday

waa qarsahayay maahinee

xoow korkeey bireeya caanshaq

xaan qamoonyoonsaday!!!

 

 

L0000L@Eebow xaa i qabsade,L0L@! :D

 

Waraa,Caadi matihid,kixkixkix :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this