Sign in to follow this  
Deeq A.

Gaas: Yariisow oo kale waa ku yar yahay Soomaalida

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington DC (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas, ayaa ka hadlay geerida naxdinta leh ee ku timid Gudoomiyihii Maamulka Gobolka Banaadir & Duqii Magaalada Muqdisho, C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow).

Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa marka hore umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay C/raxmaan Yariisow kaga tacsiyadeeyay geerida ku timid maalintii Khamiista.

C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in C/raxmaan Yariisow oo kale uu ku yar yahay Soomaalida, markaan eeggo buu yiri akhlaaqdiisa iyo dabciyaadkiisa.

“Runtii C/raxmaan wuxuu ahaa shakhsiyaad anigu aan is leeyahay Soomaalidu waa ku yar tahay mararka qaarkood, markaan eeggo akhlaaqdiisa iyo dabciyaadkiisa.” Ayuu yiri C/weli Maxamed Cali Gaas oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee VOA.

C/weli Gaas ayaa yiri “Shaqada marka uu qof la hayo daacadnimadiisa iyo hawlkarnimadiisa ayaa ugula shaqeeyaa, inta aan wada shaqayneynay nin aan dhib badnayn, nin aan waxyaabaha shakhsiga ahoo gaarka ah ee rabitaanka ay aad ugu yaraayeen. Waa qof marka aad shaqo u dirto shaqadiisa aad ku kalsoon tahay inuu siduu yahay uga soo baxayo.”

C/weli Gaas ayaa tilmaamay xilligii uu Ra’iisal Wasaaraha ahaa in C/raxmaan Yariisow uu la taliye u ahaa, isla-markaana uu ku aaminay arrimo badan intii uu la shaqaynayay.

“Marka anigu aan Ra’iisal Wasaaraha ahaa la taliye ayuu ii ahaa, Golaha Wasiirada kuma uusan jirin laakiin Wasiir buu soo maray. Shaqooyin badan ayaan dalka ka qabanay qoritaankii Dastuurka uu ka mid yahay, inuu ka qaybgalay shirarkii Qaramada Midoobay, arrimo badanoo aan ku aaminay way jirtay.” Ayuu yiri C/weli Gaas.

Gaas ayaa intaa ku daray “Mar walba wuxuu ahaa gacan-yarahayga ila socda, ila shaqaynayay. Nin wuxuu ahaa anigu intaan shaqo u diro C/raxmaan Yariisow kalsooni darro ku qabo inuusan qabanayn marnaba aysan dhacin, inta looga baahan yahay iyo in dheeraadaba ninka sameeyuu ahaa.”

Gaas ayaa C/raxmaan Yariisow ku ammaanay weligii inaanu weydiisan in Golaha Wasiirada uu ka mid noqdo amaba uu u magacaabo Duqa Magaalada Muqdisho.

“Weligiis inta uu ii yimid C/raxmaan waxaasaa rabaa i sii, ima uusan oranin. Wuxuu ahaa shakhsi aad u wanaagsan aqbal ah, dabeecad wanaagsan, hawlkar ah. Ninka dee hami buu leeyahay uu wax walba ku noqon karay, waa istaahilay inuu Wasiir iyo Mayor ahaado intaba.” Ayuu yiri C/weli Gaas.

Ninka ceynkaasi ah ayaa waxaan illaa iyo hadda la garanayn ciddii ka masuulka ahayd qaraxii lagu dilay, iyadoo ay Dowladda Somaliya ka cago-jiideyso inay soo bandhigto natiijada baaritaankii la sameeyay, si shaaca looga qaado cid kasta oo ku lug laheyd dilka loo gaystay isaga iyo intii kale ee la shaqayneysay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this