Deeq A. Posted July 30, 2019 Guddoomiyaha golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, ayaa Magaalada Garoowe kula kulmay Madaxweynaha maamul Goboleedda Puntland, Siciid C/llaahi Deni. Labada mas’uul ayaa waxay iska xog wareysteen xaaladda guud ee Dalka iyo sidoo kale xoojinta iyo dar dar gelinta wada shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul Goboleedyada oo xubin ka ah Dowladda dhexe. Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ugu Mahad celiyey Guddomiyaga Golaha Shacabka , Mudane; Maxamed Mursal Iyo wafdigiisa booqashada ay ku tageen Puntland, isagoo sheegay inuu aad ugu faraxsanahay. Dhanka kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, ayaa kula dardaaramay Shacabka Puntland iyo Madaxdooduba in ay ku fikiraan sidii ay u gaari lahaayeen horumar kan kasii ballaaran. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites