Deeq A. Posted July 29, 2019 Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulamo u dhexeeyey Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo Madaxda Ahlu-Sunna Waljamaaca oo siyaabo kala duwan saacadihii la soo dhaafay uga dhacay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Kulamadan oo ahaa kuwa xasaasi ah ayaa waxaa intooda badan diirada lagu saaray khilaafka cusub ee ka dhashay sugida ammaanka magaaladaasi. Ilo ku dhow shirarkaasi ayaa Caasimada Online u sheegay in labada dhinac ay gaareen heshiis is afgarad ah, isla markaana ay qeyb ka tahay in howlihii Dhuusamareeb ay sidoodii u sii socdaan. Sidoo kale labada dhinac ayaa isla gartay in aan deegaanada Galmudug la geyn Ciidamo ka socda dowladda federaalka ah, taas oo aheyd arrinta ugu daran ee la’isku hayey. Labadii maalin ee la soo dhaafay ayaa waxaa magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado laga soo celiyey diyaarado waday ciidamo ka ambabaxay gudaha magaalada Muqdisho. Sida muuqata Ahlu-Sunna ayaa ka sii mid ahaan doonto howlaha nabad galyada Dhuusamareeb, iyadoo ay si wadajir iskula shaqeynayaan ciidamadeeda iyo kuwa dowladda ee haatan ku sugan gudaha magaaladaasi. Dhawaan ayaa la filayaa in shirka dib u heshiisiinta iyo doorashada Galmudug lagu qabto magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada maamulkaasi. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites