Sign in to follow this  
Deeq A.

IGAD oo ballan qaad cusub u sameysay Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis Ababa (SMN) – Siddeedda Waddan ee ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD ayaa si wada jir ah u cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee Arbacadii Todobaadkan ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir, kaas oo sababay dhimashada Saraakiil ka tirsan Dowladda, Dad uu ku jira  Duqa Muqdishana ay ku dhaawacmeen.

War ay si wada jir ah usoo saareen, laguna daabacay Jariiradda Strategic Intelligence, ayaa sidaa lagu sheegay.

Urur Goboleedka IGAD wuxuu sii wadi doonaa taageerada uu Soomaaliya ka siiyo isu soo dhowaashaha Dowladda dhexe iyo maamullada Dalka ka jira, dhismaha awoodda Millitariga, kaabayaasha dhaqaalaha iyo dagaalka lagula jiro Al-shabaab, si loo hubiyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika.

Weerarkii ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir ayaa waxaa sheegtay Al-Shabaab, iyaga oo sheegay in bartilmaameedkoodu ahaa Ergayga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u jooga Soomaaliya James Swan oo maalintaasi shir uga qeyb galay halkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this