Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Dhaacawmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudoomiyaha gobolka Banaadir  ahna duqa magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan iyo qaar ka mid ah maamulada degmooyinka Muqdisho ayaa waxyeelo kasoo gaartay Qaraxa ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar.

Xaaladda guddoomiyaha ayaa la sheegya inay culus tahay, waxaana xilligan la geeyey Isbitaalka Digfeer.

Dhammaan dadkii fadhiyay Shirka Amniga ayaa qaarkood dhinteen kuwo kale waxa soo gaaray dhaawacyo culus.dadka dhimashadooda la xaqiijiyey waxaa ka mid guddoomiyaha Waaberi Mahad Cilmi.

Qaraxa ayaa qof isa soo miidaamiyay ayaa wararka qaar waxa ay sheegayaan in uu isku qarxiyay xarunta Lagu shiro ee dowladda Hoose ee Muqdisho.

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this