Sign in to follow this  
Deeq A.

Gedo: Khasaare Ka Dhashay Qarax lala Eegtay Ciidamo Itoobiyaan Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka  ka imaanaya Gedo, Jubbaland ayaa sheegaya in qarax miino lala eegtay kolonyo Ciidamada Itoobiya oo ku safraayay Gobolkaasi.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhacay wadada xiriirisa Luuq  iyo Yurkud, iyada oo la sheegayo iney jiraan khasaare badan.

Gaari ka mid ah Kolonyadii ay wateen Ciidamada Itoobiya ayaa Qaraxaasi lala eegtay, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen inay arkayeen khasaaraha Ciidamada Itoobiya Qaraxaasi ka soo gaaray.

Qaraxa kadib, wararku waxaa ay intaasi ku darayaan iney jirtay is rasaaseyn dhex martay labada dhinac, oo khasaarahaha uu intaasi ka badan yahay.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this