Sign in to follow this  
Deeq A.

Sabriye oo shaaciyey sababta keentay dib u dhaca doorashada Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa markii ugu horreysay shaaciyey sababta ka dambeysa dib u dhaca ku yimid doorashada Galmudug.

Sabriye oo Wareysi siiyey Bbc-da ayaa waxa keenay dib u dhaca doorshada  ku sheegay in xukuumadda Soomaaliya  muddo bil ah ay ka shaqeyneysay isu keenida beelaha Galmudug iyo dhammeynta khilaafka ka dhex jira madaxda maamulkaasi.

Wuxuu tilmaamay in haatan qaban qabaada doorashada ay mareyso meel wanaagsan, islamarkaana dhawaan ay qabsoomi doonto doorasho xalaal ah.

Dhinaca kale wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta  Soomaaliya ayaa ka warbixiyey safarka uu weli Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ku joogo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in dadaal badan uu sameeyey Ra’iisul wasaaruhu, islamarkaana isu keenay dhaqanka iyo culimada, isaga oo sidoo kale tegay degmo iyo tuulo intaba.

“Ra’iisul Wasaaraha muddo ayuu joogaa, dadaal badan waa sameeyay, wuxuu arkay dhaqankii, dadkii iyo culimadii, meel walbana waa tagay degmo iyo tuulo, waxaa uu ku guuleystay in deegaanka iyo maamulka la isku soo dhoweeyo, horayna loo socdo.”ayuu yiri wasiir Cabdi Maxamed Sabriye.

Doorashada Galmudug ayaa la filayey in la qabto afarta bishan July, balse ma aysan suuragelin, iyadoona weli caqabado ka taagan yihiin arrimaha doorashada iyo shirka dib u heshiisinta oo labaduba lagu wado inay ka dhacaan magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada dowlad goboleedka Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this