Sign in to follow this  
Deeq A.

FIQI: Is-diiwaan gelinta Axmed Madoobe hal arrin ayey banaanka u soo saartay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) ― Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay Madaxweyne Axmed Madoobe oo maanta qaatay Shahaadada isdiiwaan-gelinta doorashada maamulka Jubbaland.

Fiqi ayaa sheegay in isdiiwaan-gelinta Axmed Madoobe ay meesha ka saartay hadalo uu sheegay inay isku maaweelin jireen Maamulka Villa Somalia, kaasi oo ahaa in Axmed Madoobe uusan mardambe isku soo taagi doonin xilka Madaxweyne-nimo.

Xildhibaanka ayaa sidoo waxa uu ka dhawaajiyey in DF Somalia ay ku fashilmatay culeyso badan oo ay saareysay Axmed Madoobe, si uu uga haro musharaxnimada xilka Madaxweyne.

“Waxaa meesha ka baxdey hadalkii ay muddo isku maaweelin jireen kooxda Villa Somalia ee ahaa Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe in uusan u istaagi doonin xilka madaxweynenimo mar kale… been kale baara taas saakay ayaa la idin soo celiyey!!” ayuu yiri Xildhibaan Fiqi oo ka hadlayey arrintaasi.

Wuxuuna intaas kusii daray “Culeysyo dhinac kasta leh, Alshabaab iyo Alshabaab u eke oo weerarro lagu qaaday qeyb ka ahaa intaba odaygii waxaad moodaa inuu berriga si nabadgalyo ku gaarayo!”.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa maanta qaatay Shahaadada isdiiwaan-gelinta doorashada maamulka Jubbaland, isagoona ka dalbaday Musharraxiinta inay maraan waddadaasi, islamarkaana ay joojiyaan eedeynta iyo hadallada fowdada abuurayo.

Axmed Madoobe ayaa doonaya in markii saddexaad loo doorto xilkan, wuxuuna la kulmayaa loolan adag iyo cadaadis uga imaanaya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this