Deeq A. Posted July 20, 2019 New York (SMN) – Dowladda Mareykanka ayaa Gen. Stephen Townsend us oo magacawday taliyaha ciidamada ka jooga qaaradda Africa ee loo yaqaano AFRICOM. Gen. Stephen ayaa bedelaya Gen. Thomas Waldhauser oo howlgab noqday kadib 48 sano oo uu u soo shaqeynayay militeriga Mareykanka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay AFRCICOM. Taliyaha cusub ayaa noqonaya midkii 5aad oo AFRICOM yeelato tan iyo markii la aas-aasay 2008. Ku simaha Wasiirka difaaca Mareykanka ayaa lagu wadaa inuu ka qeybgalo munaasabada xilka ay ku kala wareegi doonaan labada taliye, taasoo ka dhacaysa 26-ka bishaan dalka Jarmalka. AFRICOM ayaa ku lug leh dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, iyadooa diyaaradaha Mareykanka ay duqeymo joogto ah ka fuliyeen gudaha Soomaaliya kuwaas oo qaarkooda dad badan oo shacab ah lagu dilay. View the full article Share this post Link to post Share on other sites