Deeq A. Posted July 20, 2019 Muqdisho (SMN) – Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Dalka Koofur Afrika, mudane; Thabo Mbeki, ayaa saaka soo gaaray magaalada Muqdisho. Thabo Mbeki, ayaa hoggaaminaya Guddi heer sare ah oo ka tirsan Ururka Midowga Afrika, waxaana Garoonka Diyaaradaha ee Aaden Cabdulle kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane; Danjire Axmed Ciise Cawad, wakiilka Soomaaliya u fadhiya Xoghayaha guud ee QM, James Swan, u qaabilsanaha Midowga Afrika ee Soomaaliya, Francisco Madeira iyo madax kale. Wafdigani ka socda Midowga Africa ayaa soo maray Nairobi halkaasi oo ay kula kula soo kulmeen Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi. Lama shaacin weli u jeedada rasmiga ah oo uu salka ku hayo socdaalkooda, waxaana saacadaha soo socda ay la kulmi doonaan madaxda sare ee dalka. Booqashada guddigan ayaa ku soo aadeysa, xilli haatan khilaaf uu jiro u dhexeeyo dalalka Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo ka dhashay muranka badda ee labada dal. View the full article Share this post Link to post Share on other sites