Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhammaadkii dhagar-qabayaasha Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Kooxdan caadaysatay una badheedhtay dhagridda iyo hagar-daamada ummaadda soomaliyeed, bannaysatay dhaca iyo dilka arxan-darrada ah ee ay ku haysay dadka soomaaliyeed, waxa ay hadda marayaan heer ay noqdaan kuwo iyagu is dhammeeya dhexdooda mar kastana u kala dhuunta sidii ay uuga soo bixi lahayeen kaymaha. 

Kooxdan aan lahayn arxanka iyo damiirka bini Aadamnimo waxa ay hal mar ka soo baxday dhulka soomaliyeed iyaga oo aan lahayn ujeed aan ahayn dhagridda soomaliyeed, kaas oo ay halmar ummadda qalbigeeda ku degeen kuna cebsi-geliyeen arxan-darradii qalbigu ka ilmaynaayay, kaas oo  ahaa dilka qoor-gaynta ah, qarxinta iyo googooynta hilba dadka soomaaliyeed. 

Ma jiro hadaf iyo u jeeddo ay ka lahayeen dilkii iyo dhagriddii soomaaliyeed, ilaa ay ahayd ma aha e in ay dhaafsadaan hilbaha dadka quud iyo qaddaadiic ka soo gala dadka ay baqdinta geliyeen iyo gacmaha shisheeye ay u adeeggayaan. 

Kooxdan dhiig-quudatada ah waxa keliya oo ay hadda baxsad ku yihiin dadka dhexdooda iyaga oo malinba maalinta ka dambaysa miiska is keenaya. 

Waxa keliya oo ay hadda awoodda saarreen una badheedheen ku dhex dhuumashada dadka iyaga oo hagardoomo u dhiga, qaraxa iyo dillalka naf-la-caariga ahna ku cabsi gelinaya. 

Qalbiyada dadka soomaliyeed oo ay ka  sii guuxayso ficilladii ay hore u soo geysteen ayaa ah halka wax ee dadka cabsi gelinaya, ma jirto awood iyo tamar ay hadda dib uugu bilaabaan dhagriddii hore, waayo hore waxay ummadda uugu khaldeen nidaam diinneed oo ay markii dambe dadku ku fahameen u jeedka uu lahaa ficilladii ay wax ku bilaabeen. 

Ummaadda soomaliyeed waxa ay ka dheregsantahay dhammaan ujeedka koxdan dhiigga miidhata, mana jirto hal hadaf oo ay maanta ku gaadhikaraan waxa ay hiigsanayaan oo ah in ay dabar-tiraan ummadda soomaliyeed, waxaa dhacay gabbalkoodii, godkoodii ayaa biyo uugu galeen, ma jirto meel ay ku dhuuman karaan, ma jirto cid ay gabbaad u noqonayaan, wakhtiga iyo waciyaga ayaa keenay meel ay ku muuqato dhagriddii ay hore u geysteen. 

Kooxdan magaca soomaaliyeed u samaysay caalammadda madow iyo argagaxa, waxa uu hadda wakhtigu noqonayaa mid soomaliya ka dhiga iftiinka caalamka. 

MAXAA LA GUDBOON SHACABKA SOOMALIYEED? 

Shacabka soomaliyeed waxa la gudboon in ay meel uuga soo wada jeestaan kooxdan gabbalkeedu dhacay, ummaddana soo dhagraysay wakhtiga dheer. 

Ma jirto qof soomaaliyeed oo maanta loo tilmaamayo magaca saxda ah ee Alshabaab, dhammanteenba waxaynu nahay kuwo waayay dad ay jeclayeen ama qaarkoodba ay hadda naafo u yihiin ficilladdii dhiig-miidhatada, qaarkale dalka ma soo gelikaraan oo waa ay fiiggeen. 

Hadda ma jirto tamar iyo awood ay ku sii haystaan qalbiyadeen, ilaa aynu xusuusannahay ficilladii hore ma aha e. 

Ficilladaas hore ay geysteen dhagar-qabayaashu waa kuwo qalbigeenna kicinaya ina kana dhigaya kuwo aan marnaba u muujin wax naxariis ah. 

Dadkeenna soomaliyeed waxaa ina la gudboon sidii aynu isaga qabanlahayn firxadka yar ee Alshabaab, isla markaasna aynu la shaqaynlahayn cid kasta oo cidhib-tiraysa dhagar-qabayaasha, isku duubnida iyo wada jirkuna waa halka waddo oo aynu  ku takoorayno arxan-laawayaasha. 

W/Q: Cumar Rodol
Cumarrodol@gmail.com
Hyderabad, India 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this