Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno kamid ah ciidanka xooga oo garaada la siiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Ku simaha taliyaha Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/gaas; Cabdi Xasan Maxamed, ayaa Shalay garaadda siiyay 83 xubnood oo isugu jira Dhaqaatiir iyo Kalkaaliyaal Caafimaad.

Dhaqaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha caafimaad ee la siiyay darajooyinka Sarkaalnimo ayaa waxay dhowaan kusoo biireen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Dhulka  ee Xooga Dalka, S/Guuto; Odowaa Yuusuf Raage ayaa u sheegay Dhaqaatiirta iyo Kalkaaliyaasha Caafimaad in ay aqoontooda wax ugu qabtaan Ciidanka.

Kusimaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Ahna Taliye ku xigeenka Ciidanka S/gaas; Cabdi Xasan Maxamed, ayaa kula dardaarmay Xubnaha darajada la siiyay in ay u diyaargaroobaan Shaqo adag maaddaama uu Ciidanka Xoogga Dalku ku jiro Dagaal.

Bishii December  ee Sanadkii Tagay ayey ahayd markii ugu horreysey ee ay si rasmi ah u shaqo billaabeen kooxdan ka kooban Dhaqaatiitar iyo Kalkaaliyaasha Caafimaadka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this