Sign in to follow this  
Deeq A.

Doorashada Jubbaland oo la sheegay in la afduubtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo ( Caasimada Online) – Cabdirashiid Maxamed (Xidig) oo ka mid ah Musharraxiinta doorashada dowlad goboleedka Jubbaland, sidoo kalena ah Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ayaa eedeyn culus u jeediyey Madaxweynaha maamulkaasi Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Xidig ayaa sheegay in Axmed Madoobe ay u afduuban tahay habraacyadii doorashada iyo nidaamka sugidda amniga, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in Madaxweynuhu uu ka shaqeynayo kaliya sidii markale loo soo dooraan lahaa.

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed (Xidig) ayaa ku baaqay in waddadii saxda aheyd lagu soo celiyo doorashada, haddii kale natiijada ka soo baxda ay ka hor imaan doonaan.

Madaxweynaha Jubbaland oo Axmed Madoobe oo doonaya in markii saddexaad loo doorto xilkani ayaa sanadkan la kulmaya loolan adag iyo culeys uga imaanaya dhinaca dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Bishan Augusto ee soo socoto ayaa la filayaa in doorashada lagu qabto magaalada Xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Halkaan ka daawo Jubbaland oo burbur qarka u saaran iyo nashqadii Shabaab u fududeysay Qaraxii Kismaayo

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this