Deeq A. Posted July 16, 2019 Duqa degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug Saahid Maxamuud Cali (Xaaji Sayn) ayaa farriin adag u diray waalidiinta dhalay dhalinyarada koox-kooxda u abaabulan ee habeenkii fowdada ka sameeya xaafadaha magaalada Gaalkacyo. Duqa ayaa waalidiinta ugu baaqay in ay ceshadaan carruurtooda fowdada iyo dhibaatada ku haya amniga magaalada Gaalkacyo isagoo ku boorriyay in haddii ay ceshan waayaan aysan ka daba imaan markii ciidamada amnigu gacanta ku soo dhigaan. Xaaji Sayn ayaa ku hanjabay in ay tallaabo adag ka qaadi doonaan dhalinyarada fowdada ku wada magaalada islamarkana ay u dhaadhicin doonaan xabsiyo ku yaalla magaalooyinka kale ee Puntland si aan waalidkood uga daba imaan. Halkaan hoose ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Duqa degmada Gaalkacyo oo digniin adag u diray waalidiinta appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites