Deeq A. Posted July 15, 2019 Kismaayo (Caasimada Online ) – Madaxweyne ku xigeenka mamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa ka warbixiyey shir looga hadlayay amniga oo lagu qabtay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Maxamuud Sayid Aadan ayaa marka hore ka digay in la siyaasadeeyo amniga magaaladaasi. Sidoo kale wuxuu sheegay in haatan wixii ka dambeeya amar culus iyo qorsheyaal cad la siiyey hay’adaha amniga, kuwaas oo lagu xoojinayo nabad gayada inta ay ka dhaceyso doorashada guud ee dowlad goboleedka Jubbaland. Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in laga wada qeyb qaato xasiloonada nabad galyada. Waxa kale oo ugu baaqay siyaasiyiinta iyo shacabka inay garab siiyaan ciidanka amniga, si looga hortago weeraro markale ka dhaca halkaasi. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli 12-kii bishan weerar ku bilowday Ismiidaamin Al-Shabaab ay ku qaadeen hoteel ku yaalla magaallo Xeebeedka Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/07/cod-1-jubbalabd-.mp3Halkaan ka daawo Ahlu Sunna oo hub kala dagtay Dhuusamareeb iyo Saraakiil xoog looga saaray Caasimada Online Xafiiska DhuusamareebCaasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites