Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo sheegtay qaraxyadii Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa looga hadlay qaraxyo is xig xigay oo maanta ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in qaraxyadaasi ay khasaaro xoogan ku gaarsiiyeen ciidanka Ahlu-Sunna Waljamaaca.

Qaraxa koowaad ayey sheegeen inuu ka dhacay ka soo horjeedka  xarunta Inji, halkaas oo uu ka socda diiwaan gelinta ciidan, sida ay hadalka u dhigeen.

Ma carab baabin dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab inta uu la’egyahay khasaaraha ka dhashay qaraxyadaasi,

Weeraradan ayaa ku soo aadaya, xilli dhawaan la filayo in shirka dib u heshiisiinta iyo doorashada Galmudug lagu qabto M/ Dhuusamareeb ee xarunta maamulkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this