Sign in to follow this  
Deeq A.

Rasmi:-Muqdisho City club Oo Saxaafada U Soo Bandhigtay Macallinkeeda Cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club ayaa xafiiskeeda kusoo bandhigtay macallinkeeda cusub kaas oo u dhashay wadanka Tuniisiya wuxuuna xiligan ka badalayaa Mbalangu Husein oo kasoo jeeda Uganda.

66370108_2222728137804870_10756650631105

Guddoomiyaha kooxda Muqdisho City Club Abuukar Maxamed Sheekh ayaa sheegay in aad ugu kalsoonyahay qibrada macallinkan wax badan uu ku kordhindoono hanaanka horomarka kooxdiisa.

66651472_2222728557804828_30870487738225
Is badalka ay sameeyeen maamulka naadiga dowladda hoose waxaa aad u soo dhaweeyay ciyaartooyda kooxda,iyagoo macallinkooda cusub ka rajeeyay in ay la qabsadaan falsafadiisa hogaamineed.66364805_2222727364471614_83326207390646Maxamed Mistiri Lamjed oo u dhashay dalka Tuniisiya ayaa noqonaya badalka Hussein Mbalangu oo kasoo jeeda Uganda oo naadiga Muqdisho City Club hogaaminayay shantii sano lasoo dhaafay wuxuuna macallinka reer Tunisia sheegay in uu ku faraxsannahay laylinta kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club.67088802_2222728434471507_34255665898759

Taageerayaasha naadiga Muqdisho City Club ayaa maamulkooda kaga mahad celiyay da’daalka ay ku bixinayaan horomarka kooxdooda,iyagoo balanqaaday in ay si dhaw ula shaqeendoonaan tababarahooda.

DSC00850-1024x576.jpg

La taliyaha maamulka isboortiga Gobolka Banaadir Cabdiqaadir Muxidiin Xaaji Dacar ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uu waqti badan ku bixinayo kobaca iyo horomarka kooxda Muqdsiho City Club.

66686271_2222726654471685_50558954161978

Halka Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Qaabka Loo Soo Dhaweeyay Macallinka Muqdisho City Club

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this