Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka Oo Raadinaya Isbahaysi Cusub Oo Ilaaliya Ammaanka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Taliyaha Taliska Wadajirka ee Milliteriga Maraykanka, Jeneral Joseef Dunford ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan dhismaha Isbahaysi Milliteri oo badbaadiya Maraakiibta Ganacsi ee ka gudba Xeebaha ka baxsan dalalka Iiraan iyo Yemen, xilli ay Maraakiibta shidaalka weeraro kala kulmeen baddaasi.

A-21-750x430.jpg

Waxa uu tilmaamay inay Qorshahaasi u gudbiyeen dalalka saaxiibaadda ee Gobalka ee doonaya sugidda Ammaanka Biyaha Gacanka Bershiya iyo Badda u dhexeysa Gacanka Cadmeed iyo Geeska Afrika.

Jeneral Joseef Dunford waxa uu tilmaamay inay diyaariyeen Qorshaha Isbahaysiga Cusub, lana filayo in lagu dhawaaqo isbuucyo gudahooda dalalka doonaya inay ku soo biiraan Isbahaysigaasi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this