Deeq A. Posted July 10, 2019 Muqdisho (SMN) – Maxakamadda Ciidanka Qalabka Sida ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay 3 ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaasi oo ka dambeeyey weerarkii ka dhacay Hoteel Naasa-Hablood2 ee M/Muqdisho ,28,Oct sanadkii 2017,kaasi oo khasaare dhaliyay. Hadaba halkan ka akhriso: Habka uu u dhacay dilkaasi toogashada ah iyo go’aanka maxakamadda. Taariikhdu Markay ahayd 22/05/2018, waxay Maxkamada Da’1aad Ciidamada Qalabka Sida u fariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay Eedaysanayaal:- 1- Farxaan Maxamed Samatar ina Safiyo Max’ed ku dhashay Galgaduud. 2- C/naasir Dhaqane Xasan ina Xabiibo Max’ud ku dhashay Gedo 3- Abshir Max’ed Xaaji Buule ina Xabiibo Max’ed ku dhashay Saakow, kuwaas oo xafiiska xeer-ilaalinta ciidamada qalabka sida kusoo eedeeyay Dembiyada kala ah ka mid noqosho Urur Hubaysan oo lid ku ah awoodaha Qaranka (Qaran dumis) iyo in Ay ka mid ahaayeen koox weerar argagaxiso ku qaaday hotel naasa hablood labo taariikhdu markay ahayd 28/10/2017 weerarkaas oo sababay khasaaro naf iyo maal leh waxaa ku geeriyooday weerarka inta la hubiyay 18 ruux iyadoo ay ku dhaawacmeen 47 ruux oo kale. Taariikhdu ahayd 30/05/2018 waxey maxkamada ciidamada qalabka sida ku Xukuntay Dil toogasho oo ah qisaasta Dadkii ku geeriyooday Weerarkii Naasa-hablood labo Taariikhdu markay ahayd 28/10/2017. Maanta oo ay Taariikhdu tahay 10/07/2019 waxaa lagu fuliyay Xukukii dilka ahaa. WABILAAHI TOWFIIQ View the full article Share this post Link to post Share on other sites