Sign in to follow this  
Deeq A.

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliya Ee FESOJ Oo Somaliland Ugu Baaqey Inay Shuruud La’aan Kusii Dayso Wariye Coldoon

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Ururka Isutagga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ, ayaa cambaareeyay xukunka lagu riday wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon, iyagoo xukuumadda Somaliland ugu baaqey in ay shuruud la’aan kusii dayso Coldoon.

Qoraal uu ururku soo saarey ayaa lagu yidhi:

“FESOJ waxa ay cambaareyneysaa xukunka lagu riday wariye C/maalik Coldoon oo ah nin samafala ah ,kaas oo maxkamadda gobolka Maroodi Jeex ee Hargeysa ay ku xukuntay 3 sanno iyo bar xabsi ah.

FESOJ waxa ay rumeysan tahay ,xukunka xabsiga sadaxda sano iyo barka ah ee lagu riday wariye Coldoon in uu yahay mid liddi ku ah Xoriyatul-ka qowlka iyo dimuquraadiyadda ,sidaa awgeed waxa aan ugu baaqeynaa dowladda Soomaaliland in ay si dhaqso ah oo shuruud la’aan ah ay ku soo sii deyso wariye/ Samafale Coldoon”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this