Deeq A. Posted July 9, 2019 Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Miino oo ka dhacay duleedka degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose, kaasi oo waxyeello soo gaarsiiyey dad rayid ah. Wararka ay heleyso Goobjoog News, ayaa waxay sheegayaan in Miinadan ay la kacday gaari ay saarnaayeen dad shacab ah, kaasi oo halkaasi marayey. Gaariga ay miinadan la kacday ayaa ahaa sida la sheegay Homey, shalay subax caano ka qaadday degmada Dhoobaley, balse soo noqonkoodii ayeey miinadan haleeshay. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku geeriyootey Shan ruux oo shacab ah, iyadoo dhaawucuna intaasi ka badan yahay. Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, balse Al-shabaab ayaa inta badan miinooyinka sidan oo kale ah ku aaso waddooyinka ay adeegsadaan ciidanka dowladda dhexe, kuwa maamul goboleedyada iyo AMISOM. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites