Sign in to follow this  
Deeq A.

Dad rayid ah oo ku dhintay gaari miino kula qaraxday duleedka Dhoobley

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan saddex ruux ayaa ku dhimatay saddex kalena waa ku dhaawacmeen kadib markii gaari nooca Caana-diiqda loo yaqan ah oo ay dad rayid ah saarnaayeen uu qarax ku haleelay duleedka degmada Dhoobleey ee gobolka Jubada hoose.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa dhammaantood ahaa rayid waxaana dhaawacyada la geeyay isbitaalka magaalada Dhoobley sida ay VOA-du sheegtay.

Maamulka degmada Dhoobley iyo mas’uuliyiinta Amniga Jubaland ayaan dhankooda weli faahfaahin ka bixin waxa qaraxa sababay iyo haddii ay jirto cid loo tuhmayo.

PUNTLAND POST

The post Dad rayid ah oo ku dhintay gaari miino kula qaraxday duleedka Dhoobley appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this