Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Go’aanno culus oo ka soo baxay shirka amniga Caasimada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka amniga Caasimada oo xalay lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay amniga iyo howlgallada ka socda gobolka Banaadir.

Shirka oo haa mid xasaasi ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiisha qaabilsan amniga, masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo xubno ka socday maamulka gobolka Banaadir.

Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng Yariisow) guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho ayaa guddoomiyey shirkan, iyadoo intiisa diirada lagu saaray, sida looga hortagi karo falalka liddiga ku ah nabad galyada iyo weerarada Al-Shabaab.

Sidoo kale intii uu socday shirka ayaa waxaa warbixinno looga dhageystay saraakiisha hoggaamineysa howlgallada ka socda Caasimada, kuwaas oo ka faa faahiyey weeraradii shalay ka dhacay magaalada Caasimada ah Muqdisho iyo sidii looga hortagay.

Intaasi kadib dhinacyada ka qeyb galayey shirkani ayaa isku raacay go’aanno culus oo wax looga qabanayo amniga, waxaana ka mid ah qodobada la’isku raacay:

In ilaalada gaarka ah ee mas’uuliyiinta hadda wixi ka dambeeya aysan xiran karin dharka Tuutaha ee ciidanka Milatariga Soomaaliya.

In gaadiidleyda, sida BL-ka, Bajaajta iyo kuwa gaarka loo leeyahay ay isa soo diiwaan geliyaan, si loola socdo dhaq dhaqaaqyadooda.

Guddoomiye Yariisow oo la hadlay Warbaahinta shirka marka uu soo idlaaday ayaa ka warbixiyay go’aannada ka soo baxay, waxaana ay sheegay in ay dhaqan gelin doonaan.

Shirkan oo ah mid joogta ah ayaa ku soo aadaya, xilli shalay weerar toos ah iyo qarax uu ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho, waxaana weerarka masuuliyaddiisa dhabarka u ritay Al-Shabaab, kaas oo ay ku sheegteen, kuna dhaawacmeen askar iyo dad shacab ah.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/07/cod-gobolka-banadir-.mp3

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this