Sign in to follow this  
Deeq A.

Gaari ay la socdeen Dad rayid ah oo la qarxiyey iyo khasaare ka dhashay

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ay ku dhinteen dad shacab ah oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose.

Qaraxa oo ahaa Miino ayaa waxaa la sheegay in uu qabsaday gaari Hoomey ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah.

Warar ay heshay Caasimadda Online ayaa sheegaya in qaraxaasi ay ku dhinteen ku dhawaad 10 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale.

Gaariga ayaa xilliga qaraxu haleelay marayay nawaaxiga degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in gaariga uu siday Caano uu ka soo qaado tuulooyin hoos yimaada degmadaasi.

Ma jirto illaa iyo hadda cid ka hadashay qaraxani ay waxyeelada ka soo gaartay dadkaasi Rayidka ah.

Lama oga waxa loo beesaday gaarigaasi, balse inta badan Al-Shabaab ayaa dhabaha qaraxyo Miino u galiya ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ka howlgalla halkaasi.

Al-Shabaab ayaa weli ku xoogan deegaanada Jubbaland, waxaana inta badan weeraro ay ka fuliya gudaha maamulkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com  

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this