Sign in to follow this  
Deeq A.

Afrikaan ku guuleystay in uu Dayaxa tago oo shil gaadhi ku geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

maseko1.jpg?resize=690%2C484

Top 3 winners of the Axe Space competition. L-R, Dean Roddan, Haroon Osman and Mandla Maseko, entering the stage wearing their space suits during the competition at Parys. Pic: SIMPHIWE NKWALI. 16/08/2013. © Sunday Times

Nin u dhashay dalka Koonfur Afrika oo ahaa ninkii ugu horreeyey ee Afrikaan Madoow ah oo ku guulaystay in uu tago hawada sare ayaa shil ku geeriyooday ka hor inta aanu riyadiisii xaqiijin.

Mandla Maseko, oo 30 jir ahaa, ayaa Sabtidii dhintay, sida ay qoyskiisu sheegeen.

Sannadkii 2013-kii, ayaa ninkan oo xubin ka ahaa ciidamada cirka ee Koonfur Afrika ayaa waxa uu dad gaaraya hal milyan kaga guulaystay in uu ka mid noqdo 23 boos oo ka bannaanaa Akaadeemiyadda hawada sare ee Maraykanka.

Ninkan ayaa lagu naynaasi jiray Afronaut iyo Spaceboy, Maseko ayaana ka soo jeeday magaalada Pretoria.

maseko.jpg?resize=342%2C350Toddobaad ayuu soo joogay xarunta Kennedy Space Centre ee kutaal gobolka Florida asagoo samaynayey tijaabooyin uu ugu diyaar garoobayey in uu raaco dayax gacmeed saacad qaadanayey.

Maseko ayaa horay u sheegay in uu doonayo in uu sameeyo waxyaabo uu ku dhiirri galinayo dadka da’yarta ah.

Waxa uu BBC-da u sheegay in uu qorshaynayo in uu hawada sare kasoo Waco. “Waxaan ku rajo waynahay in aan helo khad la isticmaali doono sanooyin badan oo soo socda – sida Neil Armstrong uu sameeyey oo kale,” ayuu yidhi.

Ninkaas ayaa ahaa nin sahamiya hawada sare oo Maraykanka u dhashay, kaas oo 82 jir ku geeriyooday sannadkii 2012-kii, waxa uuna ahaa ninkii ugu horreeyey ee abid cagaha dhiga ama ku lugeeya dayaxa sannadkii 1969-kii.

Markii ugu horreeysay ee uu gacaha dhigo dayaxa, ayuu yidhi odhaahdiisii caanka noqotay ee ahayd: ” Tallaabadaas yar ee qof bani aadam ahi uu qaaday, waa horumar weyn oo aadanaha oo dhami ay gaareen.”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this