Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo ku dhawaaqday go’aan ka dhan ah Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimadda Online) – Golaha Wakiilada Puntland ayaa kulan ay ku yeeshen caasimada Puntland ee Garoowe waxay meel-mariyeen go’aan ka dhan ah Somaliland.

Golaha ayaa gebi ahaanba mamnuucay in deeganada maamulka Puntland la keeno Kontenarada badeecadaha ku jira ee laga soo dejiya dekedda Berbera.

Xildhibaanada Golaha ayaa Konteenaradaasi ku sheegay inay curyaamin ku yihiin wax soo saarka dekeda Boosaaso oo iyadu laf dhabar u ah ganacsiga Puntland.

Go’aankan ay xildhibaanadu ku meel-meriyen inay mamnuucaan konteenaradasi ayaa waxa uu daba socda talaabooyin hore oo maamulka Puntland ku soo rogay badeecadaha uga imaada dhanka Somaliland.

Wasaarada Maaliyada Puntland ayaa iyaduna hore u shaacisey inay canshuuraad dheeriya ku soo rogtay badeecadaha ka soo gala dhinaca Somaliland.

Puntland iyo Somaliland ayaa muddo badan waxa ka dhaxeeyay muran xuduudeed inbadan sababay

dagaalo, balse talaabooyinkan ayaa muujineya dagaal cusub oo dhanka ganacsigana uu ka dhex qarxay labadan maamuul.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com   

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this