Sign in to follow this  
Deeq A.

IGAD oo bogaadisay heshiiska DFS iyo Ahlu-Sunna

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Xoghayaha guud ee urur goboleedka  IGAD Mr. Maxbuub ayaa sheegay in IGAD ay boggaadineyso heshiiska ay magaalada Dhuusamareeb ku kala saxiixdeen dowlada dhexe iyo ururka Ahlu sunna,sidoo wuxuuna wax lagu farxo ku tilmaamay in Ahlu-Sunna ay oggolaatay in ciidamadeeda ay ku biiriso kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed.

“Waan soo dhaweyneynaa howlaha ka socda dowlad goboleedka Galmudug iyo ku biiristii ciidamada Ahlu-Sunna ee ciidamada dowladda Soomaaliya,waana garabtaagan nahay,waxaana ugu baaqayaa dadka ku nool deegaanada Galmudug inay halkaasi ka sii wadaan howlaha dib u heshiisiinta ah, si guulo waa wayn loo gaaro” ayuu yiri Maxbuub Macalin Xoghayaha guud ee IGAD.

Xoghayaha ayaa intaasi ku daray in tallaabadan ay dowladda dhexe u suurta galinayso in ay la wareegto guud ahaan amniga dalka, iyo in si buuxda looga xoreeyo kooxaha nabad diidka ah qaybaha ay dalka kaga hareen .

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa dhawaan si rasmi ah Ahlu-Sunna ugala wareegay ciidamaddii hoostagayay, si loogu biiriyo kuwa dowladda.

Xukuumadda Soomaaliya, gaar ahaan taliyayaasha ciidamada qalabka sida ayaa diiwaan gelin ku bilaabay ciidamadaasi. arrintan ayaa qayb ka ah guulo ay dowladda federaalka ka gaartay Khilaafaadkii ka jiray maamulka Galmudug oo dhawaan galaya doorasho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this