Deeq A. Posted July 8, 2019 Muqdisho (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal toos ah oo ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya iyo dagaalyahanno ka tirsa Al-Shabaab maanta ku dhex maray xaafadda Seybiyaano degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Dagaalka oo muddo kooban socday ayaa yimid, kadib markii rag ka tirsan Al-Shabaab ay isku dayeen inay xoog ku soo dhaafaan bar koontarool oo ciidamadu ku leeyihiin halkaasi. Intaasi kadib ayaa la sheegay in iska hor imaad xoogan u dhex maray labada dhinac, kaas oo uu ka dhashay khasaare xoogan. Ugu yaraan 7 qof oo isugu jira askar iyo shacab ayaa ku dhintay dagaalkaasi, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad goobjogaayal ah. War ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo looga hadlay dagaalkaasi ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay toogteen labo ka tirsanaa kooxihii weerarka soo qaaday. Al-Shabaab oo dhankooda ka hadlay waxa ay sheegeen in weerarka ay fuliyeen dagaalyahanno ka tirsan kuwooda, islamarkaana khasaare lixaad leh ayku gaarsiiyeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Warka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa intaasi ku daraya in ay cagtay mariyeen koontorool lagu baaro gaadiidka oo ciidamadu ay ku lahaayeen halkaasi. Sidoo kale Al-Shabaab ayaa shaaciyay in dhankooda labo xubnood ay uga dhinteen dagaalkaasi, sida ay hadalka u dhigeen. Dhinaca kale warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax loo adeegsaday gaari Baraado ah oo laga soo buuxiyey walxaha oo saaka ka dhacay agagaarka isgoyska Digfeer, gaar ahaan ka soo hor jeedka xarunta Daaqa Qaranka ee magaalada Muqdisho. Gaariga qarxay oo ay fashiliyeen ciidamada ammaanka ayaa waxaa la sheegay in ay la socdeen illaa labo ruux oo diiday inay ka soo dagaan, taas oo keentay in la lagu furo, rasaas dhalisay in gaariga uu qarxo. Inta la xaqiijiyey hal qof oo shacab ahaa ayaa ku dhintay qaraxan, iyadoo ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 10 kale oo isugu jiro askar iyo shacab. Marxuumka geeriyooday ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xuseen Indhe-Gaduud, kaas oo la sheegay inuu ahaa 16 sano jir. Ma jirto illa hadda cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi ay ka hortageen ciidamada Booliska Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites