Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha shacabka oo meel mariyey sharci muhiim ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta meel mariyey Xeerka Saxaafadda Soomaaliyeed, kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyey sharcigan, kaas oo ay u soo gudbisay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Illaa 139 mudane oo ka tirsan golaha shacabka ayaa Haa ugu codeeyay, ma jirin cid diiday, balse waxaa ka aamusay hal xildhibaan, sida uu ku dhawaaqay guddoonka baarlamaanka.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Aadan Isaaq ayaa uga mahadceliyay xildhibaanada meel marinta Xeerka Saxaafadda Soomaliyeed.

Aadan Isaaq ayaa sheegay in sharcigani uu aas-aas u yahay geedi socodka dimuqraadiyadda.

Xeerkan oo muddo kadib wax ka bedal lagu sameeyey ayey ugu dambeyn ansixiyeen mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxda warbaahinta iyo wariyeyaasha madax banaan ayaa horay dood uga keenay xeerkan, taas oo keentay in markale dib loogu laabto qodobada qaar ee ku jira.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this