Deeq A. Posted July 8, 2019 Naadiga ciidanka booliska Soomaaliyeed ee Heegan ayaa kulankii 2aad ciyaaraysa tartanka kooxaha bariga iyo bartamaha Afrika 2019,iyadoo kulan adag la leh xidigaha Proline oo ka dhisan wadanka Uganda. Kooxda Heegan oo kulankii 1-aad ciyaartay tartanka Cecafa Kigame Club 06-July 2019 waxa ay guul daro 2-0 kasoo gaartay xidigaha Green Eagles ee ka dhisan dalka Zambia. Dhinaca kale kooxda Proline FC oo iyadana ka dhisan wadanka Uganda kulankii 1-aad ciyaarahan waxaa 1-0 kaga badiyay wilasha Apr FC oo ka mid ah naadiyada dalka Ruwanda oo tartankan marti geliya. “Tababar xoogan ayaan qaadanay kulan ka hor waxaan xooga saaraynaa in aan ka farxino taageerayasheena iyo in aan guul u soo hooyno dalkeena Soomaaliya” waxaa sidaas Goobjoog Sports ugu waramay kabtanka kooxda kubbadda cagta Heegan Cumar Xaaji Baanow Gaxtaani. Ogeysiiska Kulanka Tartanka-Cecafa Kigame Club Cp Kooxaha-Heegan VS Proline Tariikhda-08-07-2019 Maalinta-Isniin Saacada:-1:00 pm Garoonka-Kigali Stadium Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites