Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukunkii lagu riday weriye Coldoon oo la sheegay in ay soo qortay madaxtooyada Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Xubno ka tirsan ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, abwaaniin iyo qareennada difaaca weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa si adag u cambaareeyay xukunka ay maxkamadda magaalada Hargeysa saaka ku ridday weriye Coldoon.

Maxkamadda magaalada Hargeysa, ayaa suxufigaasi ku saaka ku xukuntay, saddex sano iyo lix bilood oo xabsiya, kadib markii sida ay maxkamaddu sheegtay lagu helay in uu aflagaaddeeyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo in uu sumcad-dil u geystay iskuulka Abaarso oo ku yaalla Somaliland.

Haddaba, xubnaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, abwaanno iyo Qareennada difaacaya suxufi Coldoon ayaa caddaalad-darro ku tilmaamay xukunkaasi, waxaana ay sheegeen in aysan jirin aflagaaddo iyo sumcad-dil uu gaystay, balse lagu haysto ra’yigiisa shakhsiga ah iyo dhaliilo uu u jeediyay xukuumadda Muuse Biixi.

Sidoo kale, waxay sheegeen in ra’yiga iyo dhaliisha uu suxufiga jeediyay, ay yihiin kuwa waafaqsan dammaanad-qaadka xorriyadda aas’aasiga ah ee uu muwaaddiinta Somaliland u ogolyahay Dastuurka, islamarkaana ciqaab lagu mutaysan karin.

Waxaa kale oo ay maamulka Muuse Biixi ku eedeeyeen. in uu garsoorayaasha maxkamadda ku khasbay, xukun ay madaxtooyadu soo go’aamisay, taasi oo ay ku tilmaameen fara-gelin lagu sameeyay hannaanka Garsoorka Somaliland.

Halkaan ka daawo shirkooda jaraa’id

PUNTLAND POST

The post Xukunkii lagu riday weriye Coldoon oo la sheegay in ay soo qortay madaxtooyada Somaliland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this