Deeq A. Posted July 7, 2019 Beledweyne (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal khasaaro geystay oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegya inuu u dhexeeyay Al-Shabaab iyo dad Xoolo dhaqato ah. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi oo ka dhacay agagaarka deegaanka Halgan ee gobolkaasi. Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo qariyay magacooda sababo dhinac ammaanka ayaa sheegay in uu jiro khasaare labada dhinac ka soo gaaray dagaalkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka uu yimid, kadib markii Xoolo dhaqatadu ay ka biyo diideen Lacago iyo Xoolo lagu sheegay Sakawaad oo ay weydiisteen Al-Shabaab. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo la xariira dagaalkaasi. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo xoogan laga dareemayaa deegaano dhaca gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Waa markii labaad oo Al-Shabaab iyo dadka deegaanka ay dagaalamaan, dhawaana ayey aheyd markii iska hor imaad labad dhinac uu ku dhexmaray halkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites