Sign in to follow this  
Deeq A.

Mustaf Cagjar oo cadeeyey mowqifkiisa ku aadan inay aqoonsi hesho Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Jigjiga (Caasimada Online) ― Madaxweynaha maamulka Dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia, Mustafa Muxumed Cagjar ayaa ka hadlay safarka uu Madaxweynaha Somaliland uu ku tagay dalka Gini.

Madaxweyne Cagjar ayaa si weyn u soo dhaweeyay safarkaasi, isagoona xusey inuu aad ugu faraxsanyahay aqoonsi ay Somaliland ka hesho dalalka caalamka.

Cagjar ayaa guul weyn ku tilmaamay in dal kale oo Soomaaliyeed oo dunida laga aqoonsan-yahay u soo biiro umada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa arrintaasi kaga hadlay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, wuxuuna ku yiri:

“Walaaleheen Somaliland inay dunida la macaamilaan kana helaan aqoonsi aad baanu ugu faraxsanahay, dal kale oo somaliyeed oo dunida laga aqoonsan yahay Guul weyn ayay u tahay umada somaliyeed”.

Caasimada Online
Xafiiska Jigjiga
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this