Deeq A. Posted July 4, 2019 Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay iney xiriirka u jartay dalka Guinea, kadib markii sida ay sheegtay ku xad-gudubtay Qarannimada, midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed. Wasiirka arrimaha dibadda Axmed Cawad oo arrinkaas ka hadlayey ayaa intaasi ku daray “Waxaa soo badanayey dalalka xad-gudubyadaas sameynaya, waxaa la soo gaaray waqtigii aan adduunka u sheegi laheyn in dowladda federaalka ah iyo umadda aaney u dul-qaadaneyn faregelin lagu sameeyo qarannimada” Wasiirka oo shir jaraa’id oo xarunta wasaaradda ka dhacay ka hadlayey ayaa sidoo kale sheegay “Xukuumadda Soomaaliya waxay u taagantahay ilaalinta midnimada qarannimada Soomaaliyeed, go’aan kastana uu ku saleysan yahay u adeegga qarannimada Soomalaiya”. Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii uu dalkaasi tagay todobaadkan madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, loona soo dhoweeyey qaab heer sare ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites