Deeq A. Posted July 3, 2019 Nairobi (SMN) – Maxkamad ku taala Nairobi, magaala madaxda waddanka Kenya, ayaa xukuno kala duwan ku riday rag ku eedeysan weerarkii Jamaacadda Garissa ee sanadkii 2015-kii. Rashid Mberesero, oo u dhashay dalka Tanzania, kaasoo ku eedeysan in uu fududeeyay duulaankaasi, ayaa waxaa lagu xukumay xabsi daa’in, sidda uu ku dhawaaqey garsooraha maxkamada. Xasan Edin iyo Maxamed Cabdi, oo muwaadiniin Kenyan ah, ayaa waxaa dhankooda lagu xukumay 41-sano oo ay ku qaadan doonan xabsi markii la sheegay in dambiga ku cadaadey. Weerarkaasi oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa ku naf-waysay ku dhowaad 150 ruux kuwaasi oo badankooda ahaa arday waqtigaasi ku sugneyd xaruntaasi waxbarasho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites