Deeq A. Posted July 2, 2019 Guriceel (SMN) – Ra’iisul wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Wafdiga Ra’iisul wasaaraha oo ay ka mid yihiin Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan xukuumaddiisa ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay degmadaasi. Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Ra’iisul wasaare Khayre uu khudbad u jeediyo dadweynaha ku dhaqan degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ay xaqiijinayaan ciidamada maamulka Galmudug iyo ilaalada Ra’iisul wasaaraha oo la geeyay halkaasi. Khayre ayaa horay u booqday Dhuusamareeb, Cadaado, Caabudwaaq, Xeraale iyo deegaano kale oo hoostaga maamulka Galmudug. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article Share this post Link to post Share on other sites