Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo dib u bilaabaya taageerada Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa shaacisay in dowladda Mareykanka ay dib u billaabi doonto taageeraddii ay siin jirtay qeybo kamida ciidamada xoogga dalka, taasoo hakad gashay bishii December ee sanadkii 2017.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in kaalmadan lagu billaabayo cutub katirsan ciidamada xoogga, kuwaasoo ka howlgala gobolka Shabeellaha Hoose, oo xilligan ka socdo howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.

War Saxaafadeedka ayaa lagu xusay in dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya ay qaadeen tallaabooyin wax looga qabtey sababihii markii hore keenay in la hakiyo teegeeradda military.

Dhanka kale, dowladda Federaalka ayaa soo dhawaysay go’aanka Mareykanka, kaasi oo ay sheegtay inuu yimid kadib markii la sameeyay hanaan hufan oo lagu diiwan gelinayo ciidamada xooga dalka.

Dowlado dhowr ah oo Mareykanka iyo Turkiga ay ugu horeeyaan ayaa ka caawinaya Dowladda Federaalka dib u dhiska ciidanka, oo muhiim u ah soo celinta nabadda iyo xasiloonida wadanka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this