Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaaf oo Saacadaha soo socdo soo gaarayo Muqdisho iyo ujeedka ka dambeeyo safarkiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa maanta gelinka dambe waxaa lagu wadaa inuu soo gaaro Magalada Muqdisho.

Arintaan ayaa ka dambeysay kadib markii Madaxweyne Xaaf iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ay heshiis ku gaareen Magaalada Cadaado ee Gobalka Galgaduud, taasi oo ku aadan in doorasho laga qabto  deegaanada Maamulka Galmduug, si ay dhibaatada kaga baxaan shacabka ku nool reer Galmudug.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweyne Xaaf marka uu soo gaaro magaalada Muqdisho uu kulamo la qaada doono madaxda dowladda Federaalka.

Xaaf ayaa la filayaa inuu dowladda Soomaaliya kala hadlo fulinta ballamihii la galay, oo ay ugu horeyso inuu qaato lacagtii ay dowladda Soomaaliya kula heshiisay in la siiyo si uu doorasho u qabto.

Madaxweyne Xaaf iyo Ra’isulwasaare Kheyre ayaa kulan ay ku qaateen Magaalada Cadaado  lagu kala saxiixday heshiisyo aan saxaafadda lala wadaagin.

Heshiisyadii la kala saxiixday ayaa waxaa kamid ahaa inuu Xaaf yimaado Muqdisho isla markaasna uu la fariisto madaxda ugu sareeyo dalka si loo dhameystiro heshiiska labada dhinac.

Madaxweyne Xaaf ayaa dhawaan sheegay inuu hal sano tagin Muqdisho iyo gurigiisa halkaas ku yaalay taasina ay sabab u aheyd khilaafka kala dhaxeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya oo hadda u muuqdo in xal laga gaaray.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this