Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawiro: Madaxweyne Xaaf iyo odayaasha Saleebaan oo kala saxiixday heshiis culus

Recommended Posts

Deeq A.   

Cadaado (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowlada Gogoleed Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa Kulamo Gaar Gaar ah la qaatay Odayaasha dhaqanka Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha iyo Odayaasha dhaqanka ayaa kawada hadlay sidii loola shaqeyn lahaa Maamulka ayna qeyb uga qaadan lahaayeen Odayaashu Hormarka Galmudug.

Waxa uu Madaxweynuhu sheegay in loo baahanyahay in lala shaqeeyo Hay’addaha Amni si aaysan kooxaha Cadawga ah ugu faa’iideysan oo aysan u helin fursado ay ku dhibaateeyaan shacabka waxa kale oo uu intaas ku daray in shacabka reer Cadaado iyo Odayaasha dhaqankaba wax walba oo dhacay looga baahanyahay in laga noqdo xalay dhalay Tabasho walba oo ay qabaana uu diyaar uu u yahay in la xaliyo.

Odayaasha dhaqanka ayaana kaga mahadceliyay Madaxweynaha sida uu diyaarka ugu yahay in la xaliyo waxba walba oo ay qabeen Reer Cadaado iyaguna ay marwalba ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyna Maamulka.

65480891_723019024780845_180119259397593 65480468_723019068114174_548219025197367 65790166_723019121447502_804539331079097

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this