Deeq A. Posted June 29, 2019 Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada sida gaarka ah u tababaran PSF ee Puntland ayaa maanta howlgallo ballaaran ka fuliyay dhulka Buuraleyda ee gobolka Bari. Howlgalllada ayaa lagu qaaday deegaanada Dhagax-Dhaabur, Madarshoon iyo Ceel-Qaraar oo ay ku xooganaayeen dagaalyahannada Kooxda Al-Shabaab. War ka soo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in howlgalladaasi lagu gubay Godad waa weyn oo Al-Shabaab ay ku Keydsan jireen Hubka iyo Raashinka. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in howlgalladani lagu burburiyay saldhigyo Al-Shabaab ay ku lahaayeen agagaarka Buuraha Calmadow ee gobolka Bari. Sidoo kale wararka aya intaasi ku daraya in Moonooyin laga saaray waddada dheer ee isku xirta deegaanada Madarshoon iyo Galgala. “Ciidanka PSF waxay gubeen godad ay Al-Shabaab ku Keydsan jireen Hubka iyo Raashinka isla mar ahaantana ciidanku waxay burburiyeen saldhigyo dhuumaalaysi oo ay ku lahaayeen Buuraleyda Calmadow” ayaa lagu yiri qoraalka. Saraakiisha hoggaamineysa howlgalladan ayaa ballan qaaday in ay sii wadi doonaan dhaq dhaqaaqyadani, tan iyo inta Al-Shabaab laga saarayo halkaasi. Kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab ayaa ku xoogan Buuraleyda gobolka Bari, iyaga oo inta badan weeraro ku qaada fariisimaha ciidamada maamulka Puntland. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites