Sign in to follow this  
Deeq A.

Laba Haweena oo xabbad isku adeegsaday Nin ka dhexeeyay awgiis

Recommended Posts

Deeq A.   

dumarxabad.jpg?resize=690%2C440

Haweenay 27 jir ah oo ku nool gobolka Alabama ee Maraykanka ayaa lagu soo oogay dacwad ka yaabisay dad badan , waxaana lagu heystaa in ay dishay ilmo yar oo caloosheeda ku jiray, inkasta oo aysan ahayn qofka riday xabbad caloosha kaga dhacday.

Marshae Jones ayaa waxa ay dagaalameen haweenay kale oo lagu magacaabo Ebony Jemison, iyaga oo isku heystay aabaha ilmo ay caloosha ku wadday Marshae.

Ebony ayaa bastoolad soo qaadatay, xabbadka caloosha kaga dhufatay Marshae, taas oo sababtay in uu kasoo dilmo uurkii.

Waxaa la laalay dhammaan dacwadihii loo heystay haweenayda rasaasta riddey, waxaana taas badelkeeda dacwad lagu soo oogay haweenaydii ay xabbadda ku dhacday, ilmahana ay kasoo dilmeen.

Waxaa arrintan loo cuskaday sharci adag oo la xiriira ‘ilmo soo xaaqista’, waxayna kooxaha xuquuqda aadanaha sheegayaa in sharcigan si qaldan loo isticmaalayo.

Booliiska waxa ay sheegeen in maadaamaa Ms Jones ay iyadu biloowday muranka, halisna galisay ilmaheeda, in ay tahay in ay wajahdo dacwad la xiriirta soo dilista ilmo aanan weli dhalan.

Booliiska waxa ay sheegeen in haweenayda kale ay ku qasbanaatay in ay is difaacdo, sidaasna rasaasta u riddey.

Balse haweenaydii rasaasta riddey ayaa lafteeda la yaaban kiiska loo heysto gabadhan kale, waxayna sheegtay in wax aan ahayn dil lagu soo oogo.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this