Sign in to follow this  
Deeq A.

madaxweynaha Puntland oo la kulmay taliyaashiii ka soo baxay Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   
1-37.jpg?w=1000&ssl=1

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Jimcihii Juun, 28, 2019, munaaasibad Qado sharaf ah u sameeyay Saraakiishii Ciidamada Gobolka Sanaag ee kasoo baxay maamulka Somaliland, kuna soo wareegay Dowladda Puntland iyo Guudoomiyihii gobolkaasi ee Soomaaliland.

Ujeedka kulanka qado sharafta ah ayaa daaranaa soo dhoweynta Saraakiisha Ciidamadaasi hogaaminayey oo kala ah G/Sare Xuseen Faarax Aaden (Xuseen Dheere), G/Sare Cabdirashiid Axmed Jaamac Nuur(Xayle) iyo Guddoomiyihii Maamulka Somaliland ee gobolka Sanaag Cali Xuseen Soomaali.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyay go’aanka taariikhiga ah ee ay qaateen Ciidamada iyo doorkii shacabka gobolka Sanaag ay muujiyeen, wuxuuna Madaxweynuhu kula dardaarmay dhammaan Saraakiisha Ciidanka inay gutaan waajibaadka Dastuuriga ah ee difaaca dalka iyo dadka.

Kulanka qado sharafta ah waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo-Daarood), masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Guddomiyeyaaĺ hore ee Golaha Wakiillada Puntland, odeyaal dhaqameed, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.

2-35.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post madaxweynaha Puntland oo la kulmay taliyaashiii ka soo baxay Somaliland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this