Deeq A. Posted June 29, 2019 (SLT-Tunisiya)-Lataliyaha madaxweynaha Tunisiya ayaa sheegey inaysan muuqan halis ah marnaasho awooded, kadib markii madaxweynaha dalkaasi Beji Qa’id Al Sebsi cisbitaal loola cararay. Noureddine Ben Ticha, ayaa u sheegey idaacadda Express FM in xaaladda madaxweynuhu ay deggaan tahay. Al Sebsi oo ah 92 ayaa loola orday cisbitaal Khamiistii shalay, kadib markii xanuun deg deg ah uu ku soo booday. Isla maalinkaas, waxa dalkaasi ka dhacay laba weerar oo ismiidaamin ahaa oo lagu dilay askari ka tirsanaa booliska, laguna dhaawacay tiro kale, gudaha magaalada Tunis. Weeraradaasi ayaa waxa sheegtey kooxda isku magacowdey dowladda Islaamiga ah. Source Share this post Link to post Share on other sites