Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Tunisiya Oo Cisbitaal La Dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Tunisiya)-Lataliyaha madaxweynaha Tunisiya ayaa sheegey inaysan muuqan halis ah marnaasho awooded, kadib markii madaxweynaha dalkaasi Beji Qa’id Al Sebsi cisbitaal loola cararay.

3492bbb2-dcd5-43f8-9b04-8a298252f15b_w10

Noureddine Ben Ticha, ayaa u sheegey idaacadda Express FM in xaaladda madaxweynuhu ay deggaan tahay.

Al Sebsi oo ah 92 ayaa loola orday cisbitaal Khamiistii shalay, kadib markii xanuun deg deg ah uu ku soo booday.

Isla maalinkaas, waxa dalkaasi ka dhacay laba weerar oo ismiidaamin ahaa oo lagu dilay askari ka tirsanaa booliska, laguna dhaawacay tiro kale, gudaha magaalada Tunis.

Weeraradaasi ayaa waxa sheegtey kooxda isku magacowdey dowladda Islaamiga ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this