Deeq A. Posted June 28, 2019 Caabudwaaq (SMN) – Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa lagu wadaa in uu maanta socdaal ku tago degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Qaban-qaabada soo dhaweynta wafdiga wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka ah ayaa laga dareemayaa gudaha degmadaasi. Wafdi horudhac ah oo halkaasi ku sugan iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa qaba-qaabada kaalin weyn ka cayaaraya. Khayre ayaa marka uu tago Caabudwaaq la filayaa in uu kulamo la yeesho dadweynaha, isaga oo kala xaajoonaya horumarka iyo la shaqeynta dowladda. Safarka ra’iisul wasaaruhu ku tagayo halkaasi ayaa qeyb ka ah socdaal dheer oo shaqo kaasi oo xaalada gobolada Galmudug uu ugu kuur-galayo. View the full article Share this post Link to post Share on other sites